Kiraynta guri waa go’aan saameyn weyn ku yeesha ammaankaaga, dhaqaalehaaga iyo noloshaada maalinlaha ah. Kahor intaadan saxiixin heshiis ama bixin lacag, waxaa muhiim ah inaad dhowr arrimood si taxaddar leh u eegto.
Hoos waxaa ku jira qodobada ugu muhiimsan ee ay tahay inaad tixgeliso..
1. Hubi in xayeysiisku yahay mid dhab ah
Xayeysiisyo been abuur ah mararka qaar way dhacaan, sidaa darteed:
- Hubi in lambarka wacitaanka shaqeynayo.
- Eeg in sawirradu yihiin kuwo dhab ah.
- Xaqiiji cinwaanka guriga.
- Hubi in milkiilaha ama wakiilku diyaar u yahay inuu guriga ku tuso.
Hoygeena waxay si joogto ah u hubisaa xayeysiisyada si loo yareeyo khatarta khiyaanada.
2. Amniga xaafadda waa in uu ahaado mudnaanta koowaad
Ka hor intaadan qarin guri:
- Weydii dadka deegaanka sida amniga xaafaddu yahay.
- Fiiri nalalka waddooyinka iyo dhaqdhaqaaqa deegaanka.
- Hubi albaabbada iyo daaqadaha guriga.
- Ka fiirso meesha uu gurigu ku yaal (masaajid, suuq, waddooyinka waaweyn)..
Amniga wanaagsan wuxuu ku siinayaa deggenaan iyo nolol raaxo leh.
3. Qiimaha kirada waa inuu ahaadaa mid macquul ah
Si aad u ogaato haddii qiimuhu sax yahay:
- Isbarbardhig guryo kale oo isla xaafadda ku yaal. Weydii haddii biyaha, korontada iyo adeegyada kale ku jiraan.
- Ogaaw haddii loo baahan yahay deebaaji (deposit).
- Ka digtoonow xayeysiisyo aad u jaban, badanaa waa khiyaano.
Qiime macquul ah wuxuu ka turjumayaa xaaladda guriga iyo deegaanka.
4. Weydii shuruudaha kirada
Xitaa haddii heshiisku uusan qornayn, waa muhiim inaad ogaato:
- Mudada kirada.
- Sidii lacagta loo bixinayo.
- Qofka dayactirka qaabilsan.
- Xeerarka ku saabsan bixitaanka guriga.
- In deebaajiga dib lagu soo celinayo marka aad baxdo.
Waxaa fiican in lagu helo ugu yaraan qoraal ama fariin cad oo WhatsApp ah.
5. Kormeero guriga ka hor lacag bixinta
Ha bixin lacag kasta ilaa aad aragto guriga ama qof aad aaminsan tahay uu kuu xaqiijiyo.
Hubi:
- Musqusha, biyaha iyo korontada.
- Albaabbada, daaqadaha iyo qufulka.
- Dildilaaca, qoyaan ama waxyeello dhismo.
- In gurigu u dhigmaayo waxa xayeysiiska ku qoran.
Kormeer wanaagsan wuxuu kaa badbaadinayaa kharashyo iyo dhibaatooyin dambe.
Gunaanad
Kiraynta guri waa mas’uuliyad weyn, laakiin haddii aad raacdo qodobadan muhiimka ah waxaad heli doontaa guri ammaan ah, qiime macquul ah oo ku habboon noloshaada. Hoygeena waxay ku siinaysaa fursad aad ku hesho guryo la isku halayn karo oo si fudud loo helo.